110 Milyan Doolar oo ku maqan Miisaaniyadda laba sano ee Xukuumadii Cumar C/rashiid [Yaa loo heystaa..?

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa qarxiyay fadeexad ku saabsan lacago fara badan oo ka maqan miisaaniyadda xukuumadii hore.

Shir jaraa´id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in Miisaaniyadii sanadkii 2015 aan xisaabteeda la xirin ayna ka maqan tahay lacag dhan 14 Milyan oo Doolar, sidoo kalena miisaaniyadda 2016 ay ka maqan tahay lacag gaareysa 96 milyan oo doolar.

Hanti dhowrka ayaa ku eedeeyay lacagtan in loo heysto Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo Ra´iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo wakiil ka ah Raiisal wasaaraha, wuxuuna sheegay inay iska dhega tireen qoraalo iyo codsiyo uu gaarsiiyay oo ku saabsanaa in la saxo miisaaniyadda iyo lacagaha maqan laga soo marsiiyo xafiiska Hanti dhowrka.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii golaha wasiirada ee xilka sii haya ay si degdeg u ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017 oo uu si weyn uga hor yimid hanti dhowrka, wuxuuna sheegay inuu arrimahan la wadaagi doono madaxweynaha cusub, isagoo Baarlamaanka ugu baaqay inaysan ansixin miisaaniyadda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DEG DEG : Wariye C/Lahi Muuse “Kalgacal” Oo CID-Da Lagu Xiray
- Mar 28, 2017
Koox Boolis ah aya la sheegay iney ka xireen maqaayada hooyooyinka wariye C/laahi Muuse ...
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo oo u ambabaxay dalka Urdun
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka dhoofay Garonka diyaaeadaha ...
Ciidamada DF oo Dil naxdin leh goordhow ka geystay Muqdisho
- Mar 28, 2017
Wararka aan ka heleyno Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Askari ka ...
WARBIXIN: Madaxda DF oo kulan ku leh Madaxtooyada & Jawaari oo ku dhow inuu la heshiiyo Farmaajo & Kheyre
- Mar 28, 2017
Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in waanwaantii lagu xalinayay khilaafka dhashay magacaabidda ...
Farmaajo oo mar kale maanta safar dibadeed u baxaya xilli maalinta Arbacda Golaha Wasiirada la horgeyn doono Baarlamaanka
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta ka ambabaxo Magaalada Muqdisho ...
Ciidamo itoobiyan iyo Shabaab oo dagaal culus dhexmaray+Qasaaraha oo..
- Mar 28, 2017
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku ...
Dhageyso: 50 Jir Kufsi ugu geystay Muqdisho Gabar 7 Jir Ah oo la maxkamadeenayo
- Mar 28, 2017
Waa mid kamid ah Dhacdooyinkaaan looga baran Magaalada Muqdisho inay ka dhacaan,balse Kufsi waa ...
C/wali Gaas oo ka tacsiyadeeyay 3-Sarkaal oo shil Naxdin leh ku geeriyooday..
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay saddex sarkaal oo ka tirsnaa Ciidamadda qalabka ee ...
DHAGEYSO: Galmudug oo Dalab Cajiib ah u dirsatay Beesha Caalamka ka dib amarkii RW Kheyre..
- Mar 28, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa Beesha caalamka ayaa ...
Kooxda Daacish dilkii ugu horeysay ka fulisay Muqdisho & Sarkaal NISA oo la qaarijiyay..
- Mar 28, 2017
Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka ...