CAAWA SAQDA DHEXE AMA Beri gelinka hore midkooda oo Golaha wasiirada lagu dhawaaqi doona,Xasan Kheyre Ma la imaan doona Gole ka gudba marxalada taagan mise

Watashadii laga lahaa dhismaha Golaha Wasiirada ayaa soo afjarmay sida ay sheegayan wararka laga helayo Villa Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la soo sheegaya in saacadaha soo socda laga yaabo caawa saqda dhexe ama maalinta beri midkooda lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Kheyre ugu dambeyn isku raaceen liis meel dhaxaad ah oo sida la sheegay la isu tanaasulay.

Waxyaabaha la isku haayay oo ay ka mid ahayd in Golaha Wasiirada laga dhigo wejiyo ku cusub siyaasadda ayaa iyada meel dhexaad ah la isugu yimid.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in saacadaha soo socda caawa ama beri midkooda la shaacin doona liiska Golaha Wasiirada.

22 ka bishan ayaa lagu wadaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u socdaalo dalka kenya in kastoo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay booqasho aan dowladda soomaaliya ka war haynin oo Madaxweynaha kenya ku tagay Magaalada dhoobley, sidaas darteed safarkaas ka hor ayaa la qorsheeyay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo.

Golaha Wasiirada ee uu magacabayo Ra’iisal wasaare Xasan Kheyre ayaa waxay noqon doonaan tijaabadiisa siyaasadeed ugu horeeyay  iyo inuu la imaan karo gole wasiiru oo ka gudba marxalada haatan dalka ka taagan.

Waxyaabaha isha lagu haaya ayaa waxay tahay cida loo dhiibaya Wasaaradda arrimaha dibadda, qofka xilkaas qabta ayaa looga baahan yahay inuu dhiso xiriir wanaagsan oo dhex mara wadamada Gobolka iyo Dowladda Farmaajo oo aan xiriirkooda wanaagsanayn.

Fiiro Gaar ah laga yaaba inay ka soo hormarto ama ka dib dhacdo waqtiyada hadda aan soo sheegnay maxaa yeelay saacad kasta ayaa wax is bedeli karaan

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...