Ciidamadii ugu badnaa oo la dhoobay madaxtooyada & Amaanka oo si weyn loo adkeeyay (SABABTA)

Waxaa xalay si weyn loo adkeeyey jidadka soo galo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu habeenkii ugu horreeyey isagoo madaxweyne ah ku hoyanayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa jidadka soo galo madaxtooyada lasoo dhigay ciidamo isugu jiro Boolis iyo nabadsugid waxaana si weyn oo taxadar leh loo baarayaa gawaariga shacabka iyo kuwa sida qaaska ah loo leeyahay ee halkaas isticmaalayo.

Dadka saaran baabuurta ayaa laga soo dajinayaa waxayna dhammaatood marayaan baaritaan shaqsi shaqsi ah sidoo kalana baabuurta yar yar ayaa  si fiican loo barayaa iyadoo la hubinayo waxa saaran.

Waxaa jidadkaas loo diidayaa inay maraan darawada baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay ee aan wadan wax aqoonsi ah waxaana lagu celinayey halkii ay markii hore ka imaadeen .

Meelaha sidoo kale ciidamadaan lagu arkayo caawa waxaa kamid ah isgoska nambar afar, Dabka, Sayidka iyo Shaqaalaha.

Arrintaan ayaa timaaday markii maanta intii ay socotay xafladii sagootinta madaafiic lagu weeraray Xarunta madaxtooyada inkastoo aysan ku dhicin gudaha xarunta haddana waxaa ku dhintay dad shacab ah oo ay ku jireen wiil iyo gabar isla dhashay kuwaas oo uu madfac ugu yimid gurigooda oo ku yaal degmada Warta nabadda.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...