DAAWO: P/Land & Galmudug oo Xilalka ugu waa weyn ka helay G.Wasiirada, Maxeyse heleen S/Land, K/Galbeed & H/Shabeelle (MAGACYADDA)

Warar caawa naga soo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya iney baaqatay qorshihii uu Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ku magacaabi lahaa golihiisa Wasiirada.

Koox Saxafiyiin ah, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa gaaray madaxtooyada Muqdisho iyo xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre si ay goob joog ugu noqdaan magacaabida xukumada cusub ee Soomaaliya, laakiin warar aynu helnay ayaa sheegaya in dib udhac saacado qaadanaya uu yimid.

RIIX HALKAN: DAAWO MAGACAABIDA WASIIRADA

Wararka ay Baahin.com heleyso ayaa sheegaya in beri galinka hore lagu dhawaaqi doono golaha wasiirada, waana kahor xiliga uu madaxweyne Farmaajo aadi doono dhanka magaaladda Nairobi, waxaana qorshaha uu yahay in madaxweynaha dalka uu ka tago iyadoo xukumadu dhisan tahay.

Laakiin Warar xasaasi ah ayaa kasoo baxaya liiska golaha wasiirada oo diyaarsan kuwaas oo ka koobnaan doona ilaa 25 wasiir oo sedex ama labo kamid ah ay noqon doonaan Ra’isul wasaare ku xigeen.

Warar aan ku kalsoon nahay dadka aan ka helnay ayaa sheegaya in wasiirka maaliyadda dowlada Soomaaliya loo magacaabi doono gudoomiyihii gudiga doorashada Cabdi Raxmaan Ducaale Bayle oo kasoo jeeda Beesha Samaroon ama Somaliland.

Yuusuf Garaad Cumar oo kasoo jeeda Beesha Hawiye/Habar Gidir/Ceyr kana soo jeeda Galmudug ayaa noqon doono Wasiirka arimaha dibadda dowlada Soomaaliya

Arinta kale ee sida lama filaanka ah loogu arkay liiska golaha wasiirada ayaa ah in wasiirka arimaha gudaha loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa oo kasoo jeeda deegaanadda Puntland.

Wasiirka Gaashaandhiga dowlada ayaa la filayaa in loo magacaabi doono C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi kaas oo kasoo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya isla markaana horey ula soo shaqeeyay madaxweynaha xiligii uu Ra’isul wasaaraha ahaa.

RIIX HALKAN: Wasiir Mahad SALAAD oo Fashiliyay Sir uqarsaneyd Xasan Sh

Wararka ayaa intaas ku daraya in nin magaciisa loo soo gaabiyay Ducaale oo kasoo jeeda Hiirshabeele lana maleynayo inuu yahay Abgaal uu noqon doono Ra’isul wasaare ku xigeen iyo xil awoodiisu tahay B.

Dhamaan liiska golaha wasiirada ayaa diyaarsanaa, waxaana jira warar sheegaya in baaqashada ku dhawaqidooda ay timid kadib dalab ka yimid madaxweyne Farmaajo kaas oo doonaya in maalinta uu dalka ka dhoofayo xili udhow la magacaabo wasiirada cusub.

1

KULAABO BOGGA KOOBAAD BAAHIN.COM  & WARAR DEG DEG AH

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. aar-Buurtinle says:

    juxa kulaha ceebeey tacaal walaahi kaas waa illiterate dugsi dhexe xitaa ma dhameyn, isagoo ingiriis ku halaya/akhrinaya baa ilaahay idin tusin, hadey arrintaan dhabowdo waa bilowgii fashilka labada wiil (famaanjo/khayre) aan laheyn khibrad maamul iyo go’aan qaadasho hogaan.




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...