DEG-DEG: Jubbaland oo war kasoo saartay booqashadii uu madaxweynaha Kenya ku teggay Dhoobley iyo xog-dheeraad ah!

Saacadihii lasoo dhaafay ayay Idaacadaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada Muqdiso waxay baahiyeen in maamulka Jubbaland uu ka warqabay booqashadii madaxweynaha Kenya uu ku teggay magaalada Dhoobley.

Saxaafadda qaar ayaa sidookale sheegtay in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aden uu ka hadlay booqasadii Uhuru Kenyatta ee magaalada Dhoobley, Soomaaliya,laakiin maamulka ayaa hadda sheekadaasi beeniyay.

Wasiirka madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa sheegay in saxaafadda ay ka been abuurtay maamulka iyo madaxweyne ku xigeenkaba.Shabakaddan wararka ee baahin.com ayaana xiriir la sameysay.

Si waliba, Jubbaland ayaa qeexday in xiriirka arrimaha dibadda ay mas’uul ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Khaarijiga,sidaas darteedna aysan booska uga banaaneyn ka hadalka ama fasax siinta madaxweynaha Kenya.

Waxaa la sheegayaa inuu mugdi galay xiriirka Soomaaliya iyo kenya,maadama dowladda federaalka ay rumeysan tahay in lagu xad-gudbay qaranimada,maadaada uusan Uhuru soo ogeysiinin inuu booqanayo Dhoobley.

1

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamed soomaali says:

    war waxaan xoolaha ah yaa naga aamusiya,war maamul goboleedyadu kama hadli karaan xiriirka arimaha dibada ee soomaaliya,dowlada dhexe gaar ahan wasarada arimaha dibada ayaa howshaa leh,fowdadaan qolyahan jabhada ah waa wxa kenya iyo etheopia dalkeena ku qasayaan ayagoo leh madaxweeynayaal ayaa tihiin anagaana idnin jecel,soomaliya dowlada dhexe awoodeeda iyo kuwa maamul gobleedyada waa in si deg deg shir arimahaa ah laisugu yeero,loona cadeeyo in howshaa leedahay dowlada dhexe aana la arag maamul goboleed danbe oo si toos ah ula xiriiraya arimaha dibada,




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...