DEG-DEG: Somaliland iyo Imaaraatka oo kala saxiixday heshiis 7 qodob ka kooban ooniyad-jebinaya Soomaaliya

Imaaraadka iyo Somaliland ayaa maanta wada saxiixday heshiis uu Imaaradku saldhig milatari uga dhisanayo magaalada Berbera.

Qodobada heshiiska waa sidan :

1-Somaliland waxay ogolansho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Dowladda Imaaraadka inuu Garoon diyaaradeed oo cusub ka dhiso Berbera , kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rikaabka.

2-Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.

-Mashaariic kale oo la fulin doono iyana waxay la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

3-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

4-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland

5- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

6-Wuxu heshiiskan albaab cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

7-Ugu danbeyntii waxay labada dhinac isla garteen in Imaaraadku gargaar deg deg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Heshiiskan waxaa dhinaca Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali shire , halka dhinaca Imaaraadka uu u saxiixay Maxamed AL-Zuweydi oo metalayey Dowladda imaaraadka.

Wafdiga Somaliland ee Jooga Abu Dubai waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...