(DHAGAYSO) Madaxweyne Farmaajo oo siyaasad yaab badan la ciyaaraya Aala-Sheekh & Damu-jadiid & Wasiiro…

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa siyaasad lama filaan ah la ciyaaray kooxihii isku haystay talada Soomaaliya ee kala ahaa Damu-jadiid iyo Aala Sheekh.

Mudane Farmaajo ayaa kulan aan caadi aheyn la yeeshay Madaxweyne hore Xasan Sh Maxamuud iyo xubno katirsan Damu-jadiid, waxaana arintaas ay keentay in Farmaajo uu Xasan Cali ka dhigo RW Cusub.

RW Xasan Cali ayaa xariir wanaagsan la leh kooxda Damu-jadiid isagoo kamid ahaa ragii madaxweyne Xasan Sh Maxamuud kala talinayay arimaha dibadda iyo siyaasada gobolka.

Sidoo kale Damu-jadiid ayaa la filayaa iney wasiir ku yeelan doonto dowlada soo socota, waxaana isha lagu hayaa in midkood C.Raxmaan Odawaa ama Saciid Danni ay xil ka helaan Xukumada soo aadan.

RW Cusub oo Saaxiib Dhow la ah Wasiirada Odawaa iyo Caynte

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la fahansan yahay inuu xilal waa weyn la wadaago kooxda Aala-sheekh oo ay ubadan yihiin xildhibaanadii isbadal doonka ee isaga codka siisay.

Farmaajo ayaa dhowrmar la kulmay madaxweyne hore Sh Shariif Sh Axmed isagoo xataa kala tashtay RW Cusub ee uu soo magacaabay.

Sh Shariif iyo kooxdiisa ayaana aqbalay in dowlada soo socota ay kaalin ku yeeshaan si ay meesha uga baxdo in koox gaar ah lagu eedeeyo waxii qalad ah oo dhaca.

Xilalka ay kooxda Aala-sheekh heli karto waxaa kamid ah gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, halka sidoo kale xil wasiir loo balan qaaday.

Madaxweynaha DF ayaa doonaya in dowladiisa ay ka fogaato khilaaf iyo isku dhac siyaasadeed, maadaama labada koox ee Damu-jadiid iyo Aala-Sheekh ay taageero badan ku leeyihiin barlamaanka labada aqal.

1

Xubnaha kale ee uu madaxweyne Farmaajo qancin doono waxaa kamid ah musharaxiintii isbadal doonka ee ay ugu horeeyaan C/Qaadir Cosoble. Cali Ameeriko, Cadow Cali Geesey iyo kuwa kale.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. gabar xamar says:

    FARMAAKO AALA SHAEEKH IYO DAMJADIIDBA JIDKEY MAREEN BAAD MAREYSAA WAA NA DHAFEEN ADUUNKU WA TARIIQ ADNA WAA SUGEYNA IN ALLAH NAKA DHAAFIYO HADAADAN DAACAD AHEYN DADKA IYO DALKA SOMAALIYEED HA IS ORAN CIDI KUMA ARKEYSEE DANTADA RAACO

  2. gabar xamar says:

    FARMAAJO DADKA IYO DALKA DAACAD OOGU ADEEG AMA WADADII DAMJADIID IYO AALA SHEIKH BAAKU SUGEYSA ILAA DANTA DADKA DALKA BAA MEESHA KU IMAATEY

  3. Somal says:

    Markii doorasho caam waddanka ka dhacdo wixii tuugo ahna laga saaro labada gole weeye marka dadkan dhabarka loo jeedin karo laakiin hadda qayb ayay ka yihiin dawlada lagamana jeedsan karo madaama ku hor fadhiyaan!!




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...