DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan K/Galbeed oo xilkii looga qaaday Maxaad Mooshin iiga keentay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed (Macalin Barre) oo ka mid ahaa xubnihii Mooshinka ka keenay Shariif Xasan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Khamiislaha ee ay yeesheen Golaha Wasiirada, waxaana arrimihii looga hadlay ka mid ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay Wasiirka.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama uu horey u sheegay in uusan Wasiir aheyn.

Sidoo kale Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in si gaar ah ay Digreeto uga soo bxii doonto xafiiska Madaxweynaha oo lagu cadeyn doono xil ka qaadista Wasiir.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. anhaar says:

    HADDEEY U DOODAANNA WAA LA DILAAYEE
    12 Koofi ( 12ka BEELOOD) ee Reer Marka Cadeey Minin Aw-Cusmaan oo ah asalka Dadka Marka Caddeey loogu yimid oo korkooda lagu dagaalamo mar kasta OO CANSHUURTA LEE LAGA ARUURSAD OO AAN WAXBA LOO QABAN….reer Maa doonte ? Bish doone….Aawi kuraastooda Xildhibaan & Xiquuqdooda kale ? HADDEEY U DOODAANNA WAA LA DILAAYEE ( Horaa dhowr qof arintaas darted looga dilaye) !!…AAWI Amniga & CADDAALADDII ?! ARINTAN FADLAN BAARA OO XALIYA MUKULAASHABA WAA WEEYRAXDAA KULEL….
    CAQABADAHA HORTAAGAN 12ka KOOFI
    Biimaalka dhaladka ah ee Deegaanka Marka Caddeey nala degganaa ee Abtiyoo Eesimoo aan nahay dadkaas Anaga amal waaye Gacaneey ku gabanooyiin ma aha kuwa Caqabadda ku ah 12ka Koofi….Laakiin waxaa jira Qoom shacabka dhiboo haayiin oo Leh “ Aroo Liugtaa kor u qaadbo, Tan kale ku darbo, dhulka Anaa iska lehee…Haddii kale Beeso keen “ oo ka yimaadeen Jilib & Jammaame iyo kuwo ka yimadeen waqooyi & Galbeedka Ethiopia oo magacyo kala duduwan leh isugu jiraan Mooryaan ( isku Qabiil ah ) hubeysan Wasiiro, Xildhibaano oo heer Maamul Goboleed & heer Dowladda Dhexe ay wataan iyo Odeyaaldhaqameed dad isku sheegaayaan oo deegaanadaas aan soo sheegay ka yimaadeen ayaa iyana Caqabad ku ah reer Marka Cadeey siiba 12ka Koofi oo aan u ogoleen Deegaankooda iney ka taliyaan Xuquuqda Dowladda & Maamul Goboleedka K.Galbeed ay ku leeyihiinna ka hor istaagan Maamulka K.Galbeed & Dowladda Soomaalina waa og yihiin waa is dadabaalinoo haayaan. Waxaana marqaati ugu filan Odeyaasha dhaqan 135ta Hal Odey kuma laha…Hal Xildhibaan xataa kuma laha oo u metelaaya Dowladda dhex & Maamul Goboleedka K.galbeed Xildhibaanadooda kuli waxaa la siiyey Dadka Kooytada ku ah Marka Caddeey ee Biimaalka sheegta. Madaxweyne Shariif Xasan oo fududeystey Caddaaladda & Xuquuqda Ay leeyihiin 12ka Koofi isagoo ka baqaayo iney Carqadeeyaa maamul Goboleedka K.galbeed oo uu is Leheysiiyey in Biimaalka Kooytada ah ee hubeysan in ay ka burburiyaan Kursigiisa IYO MADAXDA DOWLADDA DHEXE OO AY LA JIRAAN SHARIIF XASAN.
    FADLAN ARINTAN DEGDEG HA LOO BAARO LOONA XALIYO…MAHADSANIDIIN




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...