DHAGEYSO: Wasiirkii uu xilka ka qaaday Shariif Xasan oo sir yaab leh Kashifay

Wasiirka Awqaafta iyo diinta Koofur Galbeed ayaa ka hadlay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Sahriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulan uu shir guddoominaayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa xilkii looga xayuubiyay Wasiirka Diinta & Awqaafta Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre).

Wasiirka xilka qaadista lagu sameeyay ayaa horboodayay xubno isugu jiro Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Maamulka Koofur galbeed oo mudooyinkan muqidsho ka waday mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Macalin barre oo xilka qaadistiisa kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ineysan jirinba wax wsiir ah oo ka howlgala deegaanada Koofur galbeed.

Waxa uu Sababta ku sheegay in howshii oo dhan uu isku koobay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo laba kamid wasiirada ay aadka isugu dhawyihiin Madaxweynaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. anhaar says:

    HADDEEY U DOODAANNA WAA LA DILAAYEE
    12 Koofi ( 12ka BEELOOD) ee Reer Marka Cadeey Minin Aw-Cusmaan oo ah asalka Dadka Marka Caddeey loogu yimid oo korkooda lagu dagaalamo mar kasta OO CANSHUURTA LEE LAGA ARUURSAD OO AAN WAXBA LOO QABAN….reer Maa doonte ? Bish doone….Aawi kuraastooda Xildhibaan & Xiquuqdooda kale ? HADDEEY U DOODAANNA WAA LA DILAAYEE ( Horaa dhowr qof arintaas darted looga dilaye) !!…AAWI Amniga & CADDAALADDII ?! ARINTAN FADLAN BAARA OO XALIYA MUKULAASHABA WAA WEEYRAXDAA KULEL….
    CAQABADAHA HORTAAGAN 12ka KOOFI
    Biimaalka dhaladka ah ee Deegaanka Marka Caddeey nala degganaa ee Abtiyoo Eesimoo aan nahay dadkaas Anaga amal waaye Gacaneey ku gabanooyiin ma aha kuwa Caqabadda ku ah 12ka Koofi….Laakiin waxaa jira Qoom shacabka dhiboo haayiin oo Leh “ Aroo Liugtaa kor u qaadbo, Tan kale ku darbo, dhulka Anaa iska lehee…Haddii kale Beeso keen “ oo ka yimaadeen Jilib & Jammaame iyo kuwo ka yimadeen waqooyi & Galbeedka Ethiopia oo magacyo kala duduwan leh isugu jiraan Mooryaan ( isku Qabiil ah ) hubeysan Wasiiro, Xildhibaano oo heer Maamul Goboleed & heer Dowladda Dhexe ay wataan iyo Odeyaaldhaqameed dad isku sheegaayaan oo deegaanadaas aan soo sheegay ka yimaadeen ayaa iyana Caqabad ku ah reer Marka Cadeey siiba 12ka Koofi oo aan u ogoleen Deegaankooda iney ka taliyaan Xuquuqda Dowladda & Maamul Goboleedka K.Galbeed ay ku leeyihiinna ka hor istaagan Maamulka K.Galbeed & Dowladda Soomaalina waa og yihiin waa is dadabaalinoo haayaan. Waxaana marqaati ugu filan Odeyaasha dhaqan 135ta Hal Odey kuma laha…Hal Xildhibaan xataa kuma laha oo u metelaaya Dowladda dhex & Maamul Goboleedka K.galbeed Xildhibaanadooda kuli waxaa la siiyey Dadka Kooytada ku ah Marka Caddeey ee Biimaalka sheegta. Madaxweyne Shariif Xasan oo fududeystey Caddaaladda & Xuquuqda Ay leeyihiin 12ka Koofi isagoo ka baqaayo iney Carqadeeyaa maamul Goboleedka K.galbeed oo uu is Leheysiiyey in Biimaalka Kooytada ah ee hubeysan in ay ka burburiyaan Kursigiisa IYO MADAXDA DOWLADDA DHEXE OO AY LA JIRAAN SHARIIF XASAN.
    FADLAN ARINTAN DEGDEG HA LOO BAARO LOONA XALIYO…MAHADSANIDIIN




War

DEG DEG : Wariye C/Lahi Muuse “Kalgacal” Oo CID-Da Lagu Xiray
- Mar 28, 2017
Koox Boolis ah aya la sheegay iney ka xireen maqaayada hooyooyinka wariye C/laahi Muuse ...
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo oo u ambabaxay dalka Urdun
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka dhoofay Garonka diyaaeadaha ...
Ciidamada DF oo Dil naxdin leh goordhow ka geystay Muqdisho
- Mar 28, 2017
Wararka aan ka heleyno Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Askari ka ...
WARBIXIN: Madaxda DF oo kulan ku leh Madaxtooyada & Jawaari oo ku dhow inuu la heshiiyo Farmaajo & Kheyre
- Mar 28, 2017
Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in waanwaantii lagu xalinayay khilaafka dhashay magacaabidda ...
Farmaajo oo mar kale maanta safar dibadeed u baxaya xilli maalinta Arbacda Golaha Wasiirada la horgeyn doono Baarlamaanka
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta ka ambabaxo Magaalada Muqdisho ...
Ciidamo itoobiyan iyo Shabaab oo dagaal culus dhexmaray+Qasaaraha oo..
- Mar 28, 2017
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku ...
Dhageyso: 50 Jir Kufsi ugu geystay Muqdisho Gabar 7 Jir Ah oo la maxkamadeenayo
- Mar 28, 2017
Waa mid kamid ah Dhacdooyinkaaan looga baran Magaalada Muqdisho inay ka dhacaan,balse Kufsi waa ...
C/wali Gaas oo ka tacsiyadeeyay 3-Sarkaal oo shil Naxdin leh ku geeriyooday..
- Mar 28, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay saddex sarkaal oo ka tirsnaa Ciidamadda qalabka ee ...
DHAGEYSO: Galmudug oo Dalab Cajiib ah u dirsatay Beesha Caalamka ka dib amarkii RW Kheyre..
- Mar 28, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa Beesha caalamka ayaa ...
Kooxda Daacish dilkii ugu horeysay ka fulisay Muqdisho & Sarkaal NISA oo la qaarijiyay..
- Mar 28, 2017
Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka ...