FALANAQEYN: 4 Qodob oo ay qasab tahay Inaad ka ogaato Sababta ay Itoobiya Wiil Soomaali ah ugu magacowday Safiirkeeda Muqdisho & Qorshe lagu fashilinayo Farmaajo oo….

Dowladda Itoobiya waxaa loo arkaa mid halis weyn ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed, walow ay jiraan siyaasiyiin difaaca oo ka soo horjeeda in la dhaleeceeyo.

Laakiin shaki la,aan, Itoobiya waxay ciidamo ka joogaan dalka,waxayna saameyn ilaa iyo heer caalami ah ku leedahay go,aan ka gaaridda ayaaha Soomaaliya,taasi waxaa daliil u ah, sida ay ula saaxiibtay maamul goboleedyada dalka.Shabakaddan wararka siyaasadda ee Baahin.com ayaa xogo badan oo hoose ka heshay xaaladaha hadda jira.

Dowladda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa la aaminsan yahay inay is-baddel ku sameyn doonto siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya oo ka didsan halis uga timaada maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa go,aan ku gaartay inay beddesho safiirkeedii hore ee Wondimu Asamnew,iyadoo soo magacwoday Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ka soo jeeda dowllad degaanka Soomaalida Itoobiya.

RIIX HALKAN: DAAWO XOGTA OO BUUXDA

Haddaba, dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa is-baddelkan ku dhacay safaaradda Itoobiya u arka siyaabo kala duwan,iyadoo inta badan ay aaminsan yihiin inay tahay shir-qool cusub oo lala damacsan yahay Soomaaliya.

Itoobiya ayaa 4 u jeedo ka leh safiirkan cusub ee Soomaaliga ah ee loo soo diray Soomalaiya.

1- In ay u fudaato basaasidda: Safiirkii hore, Wondimu Asamnew waxaa ku adkeyd inuu si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa xarunta madaxtooyada,walow uu halkaasi deganaa haddana waxaa goobta looga hadlaa luqadda Soomaaliga, inkastoo uu heystay tarjumaan haddana ma aamisaneyn in qof Soomaali ah uu run u sheegayo, waxuuna ku dhaqmayay arragtida ah,- Soomaali waa mid, kan saaxiibkaa ah iyo midka cadowga ahba dhalasho ayaa ka dhaxeysa si un ayayna kuu khiyaamayaan.

2-In la’iska horkeeno Soomaalida Itoobiya iyo dadka Soomaaliyeed ee kale: Kooxaha ama dowladaha doonaya in ay si dadban wax u gumeystaan waxay isticmaallaan hal-ku-dhig caan baxay oo la yiraahdo: “Kala-gey dadka kadibna iska maamullo dalka”.

Inkastoo ay Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay kala deggan yihiin labo waddan haddana waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo saameyn badan oo dhanka xun yeelan karta haddii ay arrimo muhiim ah isku khilaafaan, taasoo goggol-dhig u noqon karta inay sii xoogeysato kala shakiga u dhaxeeyay dadka Soomaaliyeed ayna mugdi sii gasho raiyada ah Soomaaliya oo dib u midowda.

3- In la marin habaabiyo caalamka: Kasoo billow qaramada midoobay, midowga Yurub, Carabta illaa iyo Afrika waxay ka wada dherragsan yihiin oo ay ogyihiin u jeedada rasmiga ah ee ay Itoobiya faro-gellinta ugu heyso Soomaaliya, sidaas darteed, ayuu ra’iisul wasaaraha dalkaas u go,aansaday inuu soo magacaabo Safiir Soomaali ah, si uu caalamka ugu qanciyo in dalkiisa uusan halis ku aheyn dowladda cusub ee Farmaajo,laakiin xaqiiqada ayaa ah in Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleyso sidii ay u fashillin laheyd hoggaanka cusub,waxaana loo adeegsan doonaan wakiilkan Soomalaiga ah ee la soo magacaabay kaasoo aan madaxtooyada ka waayi doonin dad Soomaali ah oo ay si un qaraabo u yihiin, Dhalasho ama Guur.

1

4-In la xumeeyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada: Soomaalida badankood waxay dareesan yihiin  marar badanna ay ka dhawaajiyaan in caqabadda ugu badan ee dowladda cusub wajaheyso ay yihiin maamul goboleedyada oo laga dheragsan yahay inay xiriir weyn uu kala dhexeeyo loona soo adeegsan karo inay dhabarka ka jebiyaan madaxweyne Farmaajo iyo xakuumada uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre, marka safiir Jamaaludiin Mustafa Cumar waa nin Soomaali ah oo galaangal u leh xafiis waliba oo ay Soomaali fadhiso kana dhameyn kara danaha qarsoon ee ay leedahay Itoobiya.

Sidee Akhriste u raggtaa safiirkan cusub ee Soomaaliga ah ee ay Itoobiya u soo dirtay Soomaliya?

 

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (21)

  1. Shanmaal says:

    haa maashaa Allah runtii waad sheegtay arrintaas weliba waxaan haynaa shaqo uu hadaba qabtay iyo hawlo waaweyn oo uu bilaabay intii aan la dooranba taas oo sababtay in booskii Gabre ka fiican Itoobiya u Heshay .

    weliba ninkani wuxuu sameeyey arrimo sir ah oo badan oo uu ka sameeyey gudaha Itoobiya .

  2. ali babaa says:

    Si kastaba safiirkan cusub hadda lasoo xuley waa mid oo loo layahay ujeed kale oo somali lagu burburin rabo manad ahan mid looga leyahay nabada dalkeena somaliya

  3. SomaliPatriot says:

    Marka hore inta aanan fikirkeyga dhiiban, waxaan idinka codsanayaa in aad iska daysaan ereyga ah ‘Soomaalida IToobiya”. Waayo ma jiro qof Soomalai ah oo aaminsan in uu yahay Itoobiyaan, marka laga reebo inta iyada sida gaarka ah ugu shaqeeya, kuwaas oo laftigoodu hadii ay arkaan dawlad xoog badan oo Soomaali ah Itooboya isaga soo carari doonaa.

    Itooboya iskuma diri karta Soomaalida Itoobiya gumeysato yo tan xorta ah, balse waxay adeegsan kartaa Maleeshiyaadak Liyu loo yaqaan ee ay u sameysatey in ay gumaadaan dadka. Taas micnaheedu ma’aha in labada shacab dagaalamayaan.

    Waayo Maleeshiyadu waxay gumaad ku hayaan dadkooda ay Itoobiya gumeysato.

    Thanks

  4. DOOYOW says:

    waa sax itobiya waxay rabtaa gees lo,aad kuleelka ayaa lagu goyaa.
    la jir iskana jir ayey ethiopia noqotay.
    arintan waxay utalaa muwaadin kasta oo Soomaali ah, maanta waa maalintii axyaa wadanii.
    itobiya xishoodka, diblamasiyada, iyo derisnimada goor hore ayey dabooshey beegkaas. warkeedana wuu cad yahay nin kaa kufay yuusan kugu soo kicin waaye sheekada itobiya.
    Dhinyarada Soomaaliyeed oo wadaniga ah ha is abaabulaano koley aniga wax fiican igama soo socdo dhanka xabishida.
    mabadey.

  5. Engr, A.T. Abdirahman says:

    Anigu waxaan oran lahay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar, inkastoo uu sheeganayo asliyan Soomaali, laakiine waa Mamxar.

    Adduunyada waxaa ka jira Dowlado badan oo aan u ogolayn in qof Asliyan kasoo jeeda Dalkooda, uusan Dipolomaasi ka noqon karin Dalkooda. Marka, siddaas ha lagu sameeyo.

  6. Hooyo Soomaaliyeed says:

    Ma Aqbalayso Dawladda Soomaaliyeed Safiirkan Soomaaliyeed!

  7. Abdinasir Shire says:

    Mida kale waxaa dhici karta,iyagu danta ay doonaan haka lahaaden laakiin inuu noqdo Soomaali wanaagsan oo la shaqeeya Soomaalida iyna khasaaro ku dhaco

  8. Omar says:

    HA LOOLA DHAQMO DIBLOMAASI AMXAAR AH SIDI LOOLA DHAQMI LAHAA IYO WELIBA KA SII ADAG.YAAN FURSAD LOO SIIN IN UU MEELAHA SOCDO FASAXA WASAARADA KHAARIJIGA LA’AANTEED,IYO IN LA OG YAHAY WAXA UU U SOCDO.ILAALO XOOG LEH HA LA SAARO.

  9. Ahmed says:

    Safiirka cusub ee Ethopia iyo kii hore ee la, bbadalay labada waa is ku mid waxa ayna ka wada shaqeeyaan danaha xabashida.

  10. caateeye says:

    haduu farmaajo aqbalo safiirkan kililka ka yimi waxay u dhigmeysaa inuu kililka ethiopian u aqoonsaday waa tijaabo siyaasadeed haduu iska garto farmaajo waan u hanbalyeyn waana siyaasi haduu ogolaado suaasha imanaysa waxa weyan sland muxu u diidaya iyaduba waxay ka mid tahay shantii somaliyeede so noqon mayso maraqa ma cabo fuudkiisaan cabaa

  11. somal says:

    Su’aashu waxaa weeye… maxay Ethiopia Marka hore ku dooratay qof Somali ah? Tan labaadna waxa weeye…
    Waa maxay saameynta NINKANI ku samayn karo Siyaasadda SOMALIA/ETHIOPIA?

    Tan hore waxa weeye waxaa jira shuruudo lagama maarmaan u ah asaaska marka waddan la UNKAYO(STATE BUILDING FOUNDATION).. Su’aasha ugu horreysa ee ummad isweydiiso marka waddan la samaynayo waxa weeye jawaab loo helo Helitaanka QOWMIYAD(NATIONAL IDENTITY)..
    Marka Somali haddaan nahay waa maxay QOWMIYADDEENNU?… jawaabtu waa fudayd Qowmiyadda qof kasta oo Somali ah waa QABIIL ama “CLAN IDENTITY” Not National identity… Taas waxan uga jeedaa Waddamada caalamku iyo dadka caqliga saaxiibka la ah waxay fahmeen meesha dadka Somalidu ka liitaan mana aha dad qowmiyad ku abtirsada laakiin waxay ku abtirsadaan qabiil ay kaga kalsoon yihii n dawladnimda waa tan maanta inna haysta.. Ethiopianka waxay og yihiin in Somalidu tahay qabiillo mid walba JASIIRAD isku xiray oo aanu ku kalsoonayn qabiilka kale laakiin ka dhexeeyo dhaqanka sida ilmaha yar ee aad dhashay muujiyo markaad mid ilmahaaga ka mid ah siisid NACNAC dabcan kan kalena wuu ooyayaa wuxuuna ku weyddiinayaa anigana isii… dhaqankan foosha xun waa waxa Somali lagu bartay waana tan maanta laynagu dilayo waayo dad Somali ah oo jinsiyad iyo AF iyo dhaqanba ka dhexeeyo oo dooneyn inay taas xeeriyaan ayaa Somali ku jira meeshaan u socdaa waxa weeye Ethiopia waxay la timi xirfad siyaasadeed oo ka sarraysa caqliyadda somalida waana og yihiin sida qabiilada somalidu isula dhaqmaan markaas waxay ku doorteen qabiilka uu kasoo jeedo… Jawaabta kale ee ah sidee tani u saameynaysaa siyaasdda ETHIPIA/SOMALIA…? jawaabtaas waxaan u deynayaa dadka kale laakiin waxaan arkaa farsamo xirfdaysan oo ethiopia la ciyaartay somalida…

  12. dulmidiid says:

    ethopia waa dal daris la,ah somalia, waxaana degan qoomiyada kala af iyo diinba ah oo ay soomaaliaya ku jirta safiirku hadii uu ka socda dowlad deegaanka soomaalida waa in la soo dhaweeyaa. balse
    Digniin: hadii uu ka socda dowlada federalka Ethopia waa in madaxweeyne farmaajo udiidaa warqada Aqoonsiga safiirnimo isagoo kaduulaya in uu u aqoonsanyahay muwaadin soomaaliyeed sidaa aawgeedna uusan matali karin dalka Ethopia

  13. xabsh laaye says:

    muwaadin soomaali ma matali karo etoobiya ee ninkani waa basaas saancad

  14. Ummu khadiijo says:

    Aniga marka horeba waxaa qalad ula ah in nin u dhashay soomaaliya loo aqoonsado inuu itoobiya u noqdo safiir soomaaliya u fadhiya taasoo cadeyn u noqoneysa in soomaali galbeed ay dowladda somalia u aqoonsatay iney yihiin dad itoobiyaan ah sidaa awgeed maba loo aqoonsan karo nin soomaali u dhashay safiir itoobiya u jooga Somalia waana inuusan waraaqaha aqoonsiga uusan ka aqbalin madaxweynuhu oo fadeexadaas uu ka feejignaadaa si uusan u saxiixin lahaanshaha itoobiya ee Somali galbeed waa shirqool arrintaanute nin ku dilay har kuuma jiidee

  15. canjeex says:

    cadowga somalia allaha jebiyo ama somali ja ahaado ama amxaar ha ahaadee ma jecli rufiyaanada dadkooda ka iibsanaya amxaaro injir badan oo ureysa uf farmajo iyo umada somaliyeey ilaahey kaliya ayeey aaminsanyihiin cid kale oo wax ka qaadi karto ma jirto RABBI talo ku filan alx

  16. daadir says:

    itobia sideedaba in la iska qabto mooye dawa kale maleh kana gabra oo kale aya laga dhigaya duge canbaar leh o kale shiishka halawada saaro sida shinbiraha oo kale halaga daba qeelsho markey arkan bahalada oo kale

  17. Ugaado says:

    Asc all salaan ka dib abwaanba waxuu yiri kufaar waa kufaar waliba kii cadba naxee kureed mindiyaha lagu lisan niri na kaalme dheh isagoo markas u danlahaa kenya oo qaxooti badan soo galey hada waxan ka wadaa itopian wax nagama dhimee u ekaha aan iska ilaalino ilaaheyna waxaan ka baryeyna inuu xaqa fahansiyo key noo kenen oy ku hungoban bi idnilaah alaha ka dhigo mid damiir somalinimo iyo mid islaanimo leh aaamiiim

  18. herera says:

    illahay ha naga qapto gallada somalina beerkeda burcad sa isu mariyo
    idinkana ducaysta walal yal

  19. suumaaw says:

    Aniga waxan isleyahay wax noo hagaagayaa ma jiraan intey safadoodu ku taalo madaxtooyada

  20. Hooyo Soomaaliyeed says:

    Waxaan Leeyahay: Soomaali waa Soomaali!!!
    Ha u Daymo La’aan!!!

  21. Shakookib says:

    Waxaan anihu Oran lahaa safiir ma ahan Hakka ay sartu ka kacsan tahay oo dhibaatada maanta soomaaliya ay ka soo gali kartaa ithopia waa maamul gobaleedyada ay hogaaminayaan dadka kuwii ugu liitay xaga wadaniyada iyo kalsoonida shacabka ba. Safiir waa wakiil xadadan saamayntiisuna waa koobnaanaysaa hadii dawladu noqoto mid adag oo Ku mashquusha Santa iyo horumarka siyaasad hufana LA timaada oo qancisa shacbka iyo ciidamadeeda awoodooda oo nor loo Qaado somaliya waxaa jooga tiro aad u badan oo mukhaabaraadka yaqaan hala hawlgaliyo iyagaa fashilaya cidkasta oo Dana dhilif ah yaan lagu masquulin meel cidla ah Kenya soomaalibay haysataa ithobiya sidoo kale jabuuti was soomli dadban dhamaan halagula shaqeeyo dubla maasiyad ka xeel dheer tooda waana lava helayaa soomaaliya waxaa jooga nabadsugudii hire hangash boolis isyaano ah iyo wadaniyiin badan oo ka adag jawaawiista oo dhan soomaaliya ha noolaato




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...