Farmajo 1 Uhuru 4: Wax Walba oo aad uga baahan tahay Xariirka sii xumaanaya ee kenya iyo Soomaaliya & Qorshe halis ah oo ka socda…

Tan iyo maalintii shalay   waxaan baraha bulshada ku arkayay dhalin yaro careeysan, Dhalinyaradu horeyba xanaaq iyo hurda la’aan tacbaan ula ahaayeen ee yaan dhiig kar lagu ridin.shaqa waayeelka laga sugayo yaan dhalinyarada lagu wareerin,dhalin yaradu doorkooda waa yaqaaniin.

Uhuru ayaa tagay Dhoobleey dowladuna kama war qabin! Armaa arrima kale oo Kenya ka daran jiraan oo aan laga war qabin. Yaanan u gudbin wareer kale.

Dhoobleey maxaa ka horeeyay:

A)-14/3/2017. Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhismihii safaaradeeda ,sababtana waxa ay ku sheegeen in uu sii xumaanayo Amaanka Mogadishu.( safaaradu waxa ay ku dhax taal Xalane,ka soo horjeedka safaarada Ingriiska. Xalane miyaa amaankiisu xumaaday? mise digniin kale ayeey kenyaanku dirayaan?).

B)- 15/3/ 2017. Laba nin oo kenyati ah ayaa Mogadishu laga musaafuriyay, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dalka sharci daro ku joogeen. waxaana hayadaha socdaalka somaalida lagu wargaliyay in ayna dalka dib ugu soo noqon Karin.( taa waxa ay muujinee in dambigu ka weeynyahay Visa la’aan).

C)-18/3/2017 waxaa Dhoobleey socdaal aan dowlada Soomaaliya ka warqabin ku yimid madaxweynaha Kenya Uhuru ,waxa uu yiri: ciidamadeeyda ayaan niyada u dhisayaa.

D).19/3/2017. Bandow ayaa lagu soo rogay Xerada qaxootiga Dhadhaab, dowlada kenyana waxa ay sheegtay in socdaalkaasi Uhuru uuna xasaasiyad siyaasadeed abuureeyn.

Waxaa dhici karta dhinaca nabadgalyada darteed in loo qariyay safarkaa. Doodu waxa ay noqotay maxaa safarka Uhuru loo ogeeysiin waayay DFS, haddii la ogeeysiin lahaa ma u diidi karaan?, sirtaa ma xafidi karaan si aan loo soo weerarin Uhuru?. ( waxaa siyaasiyan la filan karaa in DFS ay tiraa: saxaafada   ayaa war been ah sheegaya ee waan la soconay arrinta safarka “waji dadbasha siyaasadeed”, ama dowlada Kenya ay tiraa: waan u sheegnay DFS, bacdamaa hay’adaha dowladu ayna iska war qabin).

Uhuru Dhoobleey dhir ayuuba ku talaalay,anaguna dhuxul ayaan ka shidnay ( yaa dhaqanka Kenya yaqaan,armeey qabaan dhaqan ah meeshaad geed ku talaasho waxbaad ku leedahay.

Dood badeedna waa jirtaye armeey aheed sahan , oo dhoobleey ay tahay meel laga difaaci karo badda la isku heeysto dhica berriga.

Garoonka xamar ayeey ka soo dagaan madax iyo ajaanib kale oo aan laga war qabin ,qeeybta Xalane oo leh immigration u gaar ah, howshooda kadibna waa baxaan, hadaan xamarba fasax loo qaadaneey, dhoobleey? .

Marka Uhuru kaliya yaan dhalin yarada lagu wareerin, Uhuru gar ayuu leeyahay ,haddii wax uu u arkay maslaxada dalkiisa uu ku dhaqaaqo, illeyn waa u dhaartay, dambina kuma ah, kadibna luuqad siyaasadeed ayuu nagu qancinayaa, waa caadi.

1

Igama dhaga yaradi. Usbuucii hore waxaa xubnaha muhimka ah ee beesha caalamka iyo madaxda somaalida qaar ay wada saxiixeen in somaaliya ayna ciidama military ah sameeysan Karin , khaasatan ciidanka Cirka, si loo xaqiijiyo amaanka wadamada deriska ah, welina waa na saaran tahay cunaqabateeyntii hubka ee Golaha Amaanka ee UN uu na saaray, usbuucii hore waxaan ogolaanay 15.000 police ah iyo ciidan kooban oo ah ilaalada xeebaha, ma ahan ciidan badeed, madaxda sare qaar ayaa ka Carooday bacdamaa laga qariyay, waxaana la hor geeynayaa Golaha ammanka ee JQ ,si loo boobsiiyo go’aanka intaan la dhisin golaha wasiirada. Ogoow hadda Ethiopia ayaa xubin ka ah 15 dal ee wareega golaha amaanka.

Aan ka war sugnu shirka usbuuca soo socdo ka dhici doono Nairobi oo madaxda labada dal isku arki doonaan. Waanba uga sii horeeyaa oo Nairobi ayaan sii tagayaa mudadaa,laakin boos laawe “ Blank file” ayaan ka ahay oo cidna ma matalo. Waxaan xubin suge ka ahay Golaha wax ma tarayaasha, bahda Facebook-ee baaga muudada ah ee waqtiga firaaqada ay leeyihiin FB ku baarama.

FG: qoraalkaan waad beenin kartaa,wax ku dari kartaa, dhaliili kartaa, aragtidaa xor ayaad u tahay wana kaala faa’iideeysan doonaa.

Qore: Yahya Amir


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...