Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaadis ku sameeyay Gacantii Midig ee Xasan Sh, lana yimid Shaqsi ka qeyb qaatay..

Wararka nasoo gaaray ayaa ku waramaya in Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud xilka laga qaaday islamarkaana la magacaabay agaasime Cusub

Talaabada xilka loogu qaaday Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud ayaa la sheegay in laga soo soo saaray xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) oo 8-dii Bishii Februay ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Soomaliya kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Shador xaaji oo ah nin dhalinyaro oo fir fircoon ayaa lagu wadaa in loo bedelo qeyb kale oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa isbadalo ku sameynaya maamulka Madaxtooyadda Soomaliya,waxa jira mas’uuliyiin kale oo lagu wado in xilalka laga qaado mudooyinka soo socda.

Dhanka kale waxaa booskii uu ka tagay Siyaad Maxamuud Shire oo ahaa Madaxa Protocol-ka ama Hab maamuuska Madaxtooyada ayaa waxaa lagu bedelay nin cusub oo lagu magacaabo Mudane C/llaahi Yuusuf.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...