VIDEO: Waa Maxay Qorshaha ay isku baheysteen Itoobiya & Kenya ee lagu fashilanayo MD Farmaajo Xagee ayaana….

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Adis ababa ayaa aad u xumaaday kadib natiijada doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaabkii Xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo si aan wanaagsanayn loola dhaqmay markii cod baahiya loogu yeeray inuu kelmado ka yiraahdo xaflada, waxaana taa bedelkeeda si wanaagsan oo aan horey loo arkin loogu sacab tumay Madaxweynaha kenya markii cod baahiyaha lagu soo dhaweynayay.

Wixii markaas ka dambeeyay Adis ababa iyo Muqdisho wax xiriir ah ma dhex marin, mana wanaagsan xiriirka ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Hailemariam Desalegn.

RIIX HALKAN: DAAWO DANTA ITOOBIYA KA LEEDAHAY SOMALIA

Lama garanayo sababta Hailemariam Desalegn uga caga jiidayo inuu wax wada shaqeyn ah la yeesho Farmaajo balse waxaa muuqata in Itoobiya oo kaalin weyn ku leh arrimaha Soomaaliya haatan u dhaqmayso qaabkii ay u dhaqantay markii 2000 Carte lagu doortay C/qaasim, waxayna markaas abuurtay hogaamiyaal mucaaradsan C/qaasim, iyadoo hub u qeybisay.

Marka aad eegto mad madowga diblomaasi ee Dowladda Farmaajo iyo Itoobiya durba waxaad calaamadaynaysa rajo xumo aad u weyn.

RIIX HALKAN: ITOOBIYA OO JECEL FASHILKA FARMAAJO

Farmaajo wuxuu iska fogeeyay siyaasiyiinta xiriirka la leh Itoobiya, Diblomaasiyiinta waxay sheegayan in Farmaajo uu raacay oo keliya dareenka dadka shacabka oo Itoobiya u arka inay caqabad ku tahay maslaxada dalkooda.

Halkii looga baahnaa inuu sameeyo dareen ka duwan midka ay aaminsan yihiin shacabka soomaaliyed, muujinaya awood diblomaasiyadeed oo cadaawad ka fog xilligan maadama soomaaliya aysan lahayn xilligan awood ay kaga hortagto Itoobiyan.

Adis ababa waxay u aragtaa is bedelka siyaasadeed ee ku dhacay soomaaliya mid iyada halis ku ah, waxay aamineed daro ka muujisay labada aqal ee Soomaaliya oo ku soo biiran dhalinyarado xamaasadaysan oo wadaniyada ka buuxda iyo halis kale oo ay is leedahay waxaa ka imaan kara Villa Soomaaliya.

Itoobiya aqoon badan uma laha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxayna eegaysa siyaasadda ku shaqeyn doono kadib marka uu soo dhiso Golihiisa Wasiirada.

Marka laga soo tago Itoobiya, Dowladda kenya waxay ixtiraam daro u muujisay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha kenya ayaa isagoo ka war haynin Dowladad Soomaaliya waxaa uu booqday Dhoobley oo degaan soomaaliyed ah, sida sharcigu yahay waxay ahayd in booqashadiisa ku war geliyo dowladda soomaaliya ama ugu yaraan mas’uul ka tirsan dowladda la socdo socdaalkiisa.

RIIX HALKAN: DAAWO HADALKII UHURU KENYATTA

Talaabada uu qaaday Madaxweynaha kenya waxay meel ku dhac ku tahay Dowladda Farmaajo, waxaana looga baahan yahay inay qaado tallaabo ay kaga jawaabayso socdaalka Madaxweynaha kenya.

In kastoo markii Farmaajo la doortay kenya u diray Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya oo dhambaal gaar ah gaarsiiyay Madaxweynaha kenya Uhuru hadana sharaftaas iyo xishmadaas kenya waxay kaga jawaabtan socdaalkan foosha xun ee dhoobley ku tagay Uhuru.

1

Jabuuti oo dadka Soomaaliyed u arkaan dowlad iyaga ka mid ah wax badan kama qaban karto siyaasadda wadamada Gobolka kula dhaqmayan soomaaliya, laakiin walaalnimadooda mar walba waxay u muujiyan shacabka soomaaliyed.

Hadaba waxaa la isweydiinaya halka diblomaasiyad ahaan ku neefsan doono Farmaajo maadama wadamadii Gobolka ay isku xun yihiin.

RIIX HALKAN: SIYAASADDA JABUUTI EE SOMALIA

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa looga fadhiya inay ka shaqeyso diblomaasiyad ku dhisan caqli badan oo ku maareysa waxaa haatan dhacaya, waana fursada keliya ee Farmaajo ku neefsan karo haddii kale waxaa adkaan doonta inuu afarta sano ee loo qorsheeyay inuu dalka maamula ka hor inay imaadan is bedelo lama filaan ah oo hogaanka dalka ku dhaca.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. fuck farmaajo says:

    Farmaajo mase Far-Gaajo?

    Fashilka Far-Gaajo waa ku farxaya.

  2. muxamed says:

    Jawaab lama filaan ah oo ku quustaan bey helin Etopia iyo Kenya, waxaana Somalidu kala hortegin qalbi iyo gacan bir ah.

  3. Mohamed nur says:

    Waa naacnaac farmaajo lamarawin inoo itoobiya xiriirka ugaabiyo wexey eheed inuu barbaryo xilgaan awood aan isaga celino malihin war kan waxaan sooqoray waa itoobiyaan iyo dabadhilif iska aamus waqtigaad iska lumisee

  4. libaax says:

    waxaan idiin sheegayaa soomaalaay cadawgeena banaanka waxaa ka badan munaafiqiinta gudaha oo nagu dhiiri galinaya inaan gaala raac noqono oo aan dalkeena iibsano ilahayna ka fogaano farmaajo ilahaybuu ubaahanyahay iyo somali uma baahna xabashi taarikhdana kuma jirto xabashi aan ka fooraarsanay oo na ixtiraamay. ninka qoraalkan qorayna waa hubaal cadawga ayuu u adeegaa

  5. Somali dhab ah says:

    Naftu haday naga baxayso itobiya ma aaminayno xiriirkeedu intuu kaa gooyo xiriir la aan teedu kaama goyso rabina sidaan jecel nahay hadaanu nahay soomaali waanu heleynaa ee ogaada

  6. daaUud says:

    farmajo iyo kama adkeee waxa u jabinaayo waa somalida caada qaata yaasha ah ee qabiilka madax maray

  7. cabdala says:

    ithopia ayada somalia ubahan dal adi kuubahan lagama daba,ordo farmajo haday ithopia xariir wanagsan layelato wusodhawayn haday arimaha somalia faragalisan asna wuufaragalin wuuna ka,adkan

  8. kobci says:

    cadowga gudaha oo magac soomaali kula sheeganaya ayaa ka daran kan labad dal runtu waa taas hadaan cadowga gudaha laga safeen farmaajo iyo madaxweyne kasta oo yimaada sumcada wadanka iyo dadka midna la helimaayooo

    saas ula socda




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...