RW Xasan Kheyre oo dhexda kaga jira loolanka dowlad-goboleedyada & Xilalka uu ku qanciyay oo layaab noqotay

Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya ayaa dhexda uga jira dadaalkii ugu dambeeyay ee uu ku doonayo inuu kusoo magacaabo golaha wasiirada.

Warar lagu kalsoon yahay oo la helayo ayaa sheegaya in wasiirada cusub lagu dhawaaqi doono arbacada soo socota hadii aysan ka hormarin.

Laakiin Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wal wal xoogan ka qaba sida ay madaxda maamul goboleedyada qaar ugu lug leeyihiin soo xulashada Wasiirada, maadaam ay codsiyo badan soo gaarsiiyeen xafiiska RW Xasan.

Maamuladda Jubbaland iyo Puntland ayaa lasoo sheegayaa iney doonayaan in xilal sar sare ay ku yeeshaan wasiirada cusub.

Wasaarada Maaliyadda ayaa ah wasaarad ay si weyn isugu haystaan labadaas maamul, halka sidoo kale la ogaanayo in Ra;isul wasare Xasan Cali Kheyre uu wasaarado kale siiyay labadaas maamul.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Puntland ay heli doonto wasiiro ay kamid yihiin Cadaalada iyo Waxbarashada, halka Jubbaland loo qorsheeyay wasaaradaha kala ah Warfaafinta iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa iney xubnaha wasiirada ka helaan Wasaaradaha Arimaha gudaha, waxaan ay ubadan tahay iney wasiir kale heli doonin maadaama madaxweynaha uu kasoo jeedo Galmudug.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa la ogaanayaa inuu heli doono wasaarada Gaashaandhiga iyo sidoo kale wasiir kale oo heerkiisu yahay B, halka Somaliland ay heli karto Wasiirka arimaha dibadda.

Maamulka H/Shabeelle ayaa isna la filayaa inuu golaha wasiirada ku heli doono Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka maaliyadda, waxaa kale oo la filayaa in wasiir kale oo heerkiisu yahay B ay ka helaan xukumadda.

Beelaha kale ee Soomaalida ay ahaa xaquuq lamid ah kuwa beelaha kale heli doona waxaana xilalka ay kasoo muuqan karaan kamid ah kuwa heerkoodu sareeyo.

Waxaa jiri kara in RW Xasan Kheyre uu badalo siyaasadiisa magacaabida wasiirada, maadaama wali ay socdaan latashiyadii lagu soo bandhigayay golaha wasiirada.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...