SAWIRO: AlShabaab oo sheegatay Weerarkii Madaxtooyada & Caruur Walaalo ah oo ku dhintay

Kooxda AlShabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar madaafiic ah oo lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya ayna ku dhinteen dad shacab ah.

War laga baahiyay Idaacada afka AlShabaab ku hadasha ayaa ahaa iney AlShabaab ka danbeeyeen weerarkaas madaafiicda ah iyagoo tilmaamay iney ku dhinteen weerarkaas saraakiil katirsan DF iyo Amisom.

Warar dheeraad ah ayaa sidoo kale ka soo baxaya duqeyn culus oo maanta ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, taasi oo la sheegay iney ku wajahneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Mid ka mida madaafiicda ayaa ku dhacay guri degaan ah, waxaana ku dhintay laba caruur oo wallaalo ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen labadii waalid ee caruurtaasi, sida ay soo weriyeen dadka deriska la ah qoyskan oo degan agagaarka madaxtooyada, degmada Wardhiigley.

Sidoo kala waxaa madaafiicda ku dhaawacmay saddex qof oo kale, waana weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado madaxtooyada ka yar muddo saacad ah oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kooxda Ashabaab ayaa inta badan qaada weerarrada noocan oo kale ah, waxayna farriin cad u tahay madaxweyne Farmaajo oo ay la kowsatay xaalad ami oo liidata.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

LA OGAADAY: Madaxweyne hore Xasan Sh & Faarax C/Qaadir oo Muqdisho ka bixi doona & Dalka ay usocdaan oo…
- Feb 28, 2017
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan looga guuleystay Xilka Madaxweynaha ayaa ...
SAWIRO: Madaxweynaha P/Land oo Maanta Arin hormar leh ka sameeyay Boosaaso
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay Keydka Haamaha Shidaalka ...
Xog: Sidee ayay Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari ugu heshiiyeen dhismaha Golaha Wasiirada?
- Feb 28, 2017
Kulamo saacadihii ugu danbeeyay Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul ...
XOG: Shaqsi Xil Weyn Ka Qabtay Somaliland Oo Raadinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
- Feb 28, 2017
Warar ay si hoose u heshay Baahin.com ayaa sheegaaya in mid kamid ah wasiiraddii ...
Xog:-Maxaa Ka Jira in Laga Deyrinaao Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo+War aan Fiiiceen oo Somali-land….
- Feb 28, 2017
Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadal heynta ku aadan in Xanuun uu ...
War Deg Deg:-Ciidamada Amaanka oo Goordhaweyd Qabtay Ninkii Dilay Ex Xildhibaan Cabdiqaadir Qaasim+Sawirro
- Feb 28, 2017
Maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta gudaha degmadaas soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay ...
War Deg Deg:-Maxkamadeynta 118-Dhalinyaro Soomaliyeed oo Goordhaweyd Ka Bilaabanaysa…..
- Feb 28, 2017
Saacadaha Soo Socda maxkamadda magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dhageysan doonta Dacwado loo ...
DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyihiisa Arrimaha Bulshada [Wareegto]
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xil  cusub oo ka mid noqoneysa la-taliyeyaasha madaxweynaha. Xilkan ...
XOG & SAWIRO: C/Raxmaan Odawaa & Mahad Salad oo Wasiiro noqonaya, Faarax C/Qaadir oo lagu dhagay iyo qorshaha Damu-jadiid ee dowlada…
- Feb 28, 2017
Warar lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah madaxdii ...
War Deg Deg:-Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo Dib u Helay Xuriyadiisa+warar sheegaya
- Feb 28, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ayaa ku waramaya in Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo ...