Uhuru Kenyatta oo MD Farmaajo ku casuumay Nairobi xili Khilaaf ka dhashay Booqashadii Dhoobley ay taagan tahay

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku mashquulsan Dhismaha Xukuumadda Federalka iyo hawlo kale ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista booqashadiisa ugu horreysay ku tago caasimdda dalka Kenya.

Xoghayaha Isgaarsiinta ahna Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Manoah Esispisu ayaa Csuumaadaasi kaga dhawaaqay Shirkiisii 7-aadlaha oo uu maanta ku qabtay magaalladda Nairobi

Waxa uu sheegay  socdaalka Mdaxweyne Farmaajo in looga hadli doono Ammaanka iyo Degananshaha Somalia, ka hor Shirweynaha Khaaska ee Hoggaamiyayaasha Urur-gobaleedka IGAD maalinta Sabtida ee soo socota uga furmi doona magaalladda Nairobi.

Shirkasi waxaa diiradda lagu saari doonan Arrimaha Qaxootiga Somalia iyo Ammaanka Gobalka, waxaa kaloo dib-u-eegis lagu samayn doonan Xaalladaha dalalka South Sudan, DRC iyo Burundi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya ayaa caasuumaadaasi shaaciyey, xilli aysan Dowladda Kenya wax raalli-gelin ah ka bixinin Safarkii Uhuru Kenyatta shalay ku tegay Dhoobley, iyadoo aan DFS lagu wargelinin booqashadaasi.

Afhayeenka waxa uu socdaalkaasi ku tilmaamay wax caadi ah oo aan xasaasiyad Diplomaasiyadeed lahayn.

Si kastaba ha ahaatee,  waxaa isweydiin mudan Madaxweyne Farmaajo ma laali doonaa Casuumaadaasi? Ma ku cadaadin doonaan Dowladda Kenya inay raalli-gelin rasmi ah ka bixinin xadgudubka Socdaalkii Uhuru Kenyatta fasax la’aan ku soo galay Xuduudka Somalia, gaar ahaan Degmadda Dhoobley?

1

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...