WARBIXIN: 5 Arin oo ay qasab tahay inaad ka ogaato halka ay kala taagan yihiin MD Farmaajo & Uhuru Kenyatta

Soomaaliya iyo Kenya, waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhex jiray khilaaf diblomaasi ah kadib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu safar kedis ah ku yimid magaalada Dhoobley, safarkaas ayaa la sheegayaa in aaney horay uga wada hadlin Nairobi iyo Muqdisho.

Hadliye: Aniga War Kama Haayo:

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye  ayaa sheegay in isaga aanu war ka heyn safarka Uhuru Kenyatta ee Dhoobley balse ay dhici karto in cid uun la hadleen.

Muqdisho Looma Sheegin:

Sida uu qoray wargeyska Nation, Manoah Esipisu oo xogheyaha xagga warfaafinta ee madaxtooyada Kenya waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan khilaaf diblomaasi ah oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya booqashada Uhuru kadib.

Manoah Esipisu, intii uu ka hadli lahaa sababta ay Kenyaanka ula soo hadli waayeey Soomaaliya, waxaa uu mar-marsiyo u raadiyey sababta uu Uhuru halkaasi u tagay, sida uu ciidamada niyadda ugu dhisay iyo in madaxda caalamka ay sidaa sameeyaan.

Hawada Soomaaliya Waxaa Laga Maamulaa Kenya:

Safarka Uhuru ee dhulka Soomaaliyeed waxaa uu miiska soo saaray dhibaato kale oo Soomaaliya heysta, oo ay tahay in wax laga qabto, weliba sida ugu dhaqsaha badan, waa arrinta hawada Soomaaliya iyo cidda maamusha.

Hawada Soomaaliya iyo  diyaaradaha soo gala, waxaa laga maamulaa oo la gala socdaa magaalada Nairobi, sidaasi darteed Kenyaanka uma baahneen in ay la soo hadlaan Muqdisho, waayo hawadii iyaga ayey ag taal.

Kulanka Farmaajo iyo Uhuru:

Khilaafkan dhanka diblomaasiyadda ah ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu imaanayaa maalmo ka hor shir madaxeed qaxootiga looga hadlayo oo ka dhacaya magaalada Nairobi iyada oo halkaasi isku arki doonaan madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye waxaa uu sheegay in safarka la filayo todobaadkan in uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tago magaalada Nairobi.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya” sidaa waxaa  sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shir madaxeedkan arrimaha qaxootiga oo horay loogu ballamay markii shir madaxdeedka IGAD Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii tagay ayaan la ogeyn sida ay wax noqon doonaan mar haddii madaxweynaha dalka martigelinaya uu ku dhaqaaqay tillaabo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Khayre: Safiirka Kenya Waa In Loo Yeero

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah aqoonyahan qanuunka caalamiga ah oo arrintaas kala hadlay  waxaa uu sheegayaa in haddii Uhuru iska soo galay dhulka Soomaalida ogolaashiyo la’aan ay ku tusineyso ixtiraam darro uu u muujinaayo dal kale madaxbannaanidiisa, isaga oo intaa raaciyay in xaaladaha caadiga ah uu khatar u geli lahaa in diyaaraddiisa la soo diro, Khayre waxaa uu Kenyaanka weydiiyay in ay suurogal tahay in ay diyaarad ku dejiyaan dhul Itoobiyaan amar la’aan?

1

In kasta uu qiray Dr. Khayre in dowladda Soomaaliya ay haatan tabar daran tahay hadana waxaa uu qabaa in sharci ahaan ay mas’uul ka tahay Dhoobley, waxaa uuna soo jeediyay in loo yeero safiirka Kenya ee Soomaaliya oo arrinkaas su’aalo laga weydiiyo haddii raalligelin ka bixin waayaanna tillaabo kale la qaado.

W/Q: Cabdi  Caziz Gurbiye


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...