WARBIXIN: Golaha Wasiirada Cusub ee RW Kheyre:: Qaran-Deeq, Beel-Deeq & Qurbo-Deeq ?)

Xaallad Fool-Siyaasadeed leh ayey noqotay Dhismaha Xukuumadda cusub, waxaana la ogeyn waxa ay ku curan doonto iyo sida loogu caano-maali doono.

RW Xasan Cali Kheyre oo bishan March 1-dii Codka Kalsoonida ka helay Xildhibaanadda BFS ayaa waxa uu u muuqdaa Siyaasi Siyaasad-barad ah iyo Shaqsi aan aqoonin halka uu wax ka ambaqaadi doono.

Waa hubaal RW Kheyre inuu u dhexeeyo Madaxweyne iyo Guddoomiye Barlaman oo kaga khibrad roon Maamulka Siyaasadda, waana arrintaasi waxa seta-dheereynaya inuu soo magacaabi la’ yahay Xukuumadda la saadaalinayo, lana sugi la’ yahay.

Guux-hoosaad ayaa jira in Dhismaha Xukuumadda tahay mid saddex gees ah, iyadoo uu RW hal daraf uun ka hayo Udub-dhigga Xukuumadda Federalka ee horey loo sheegay in loo idmaday.

Qoraalo hordhac oo Liiska Wasiiradda ayaana si hoose loogu dusinayey Saxaafadda, kuwaasi oo ugu yaraan 6 jeer la kansal gareeyey, waxayna Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari noqdeen Farsama-yaqaano midba uu goonidiisa u dejinayo Naqshadda Xukuumadda Cusub iyo Liiska Wasiiradda.

Calawsanaan iyo Aragti is-diidaya ayaana la soo werinayaa iyo in mas’uul kasta doonayo inuu Wasiiro ku yeesho Xukuumadda cusub, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5

RW Kheyre waa la dareemi kara qafladda uu ku jiro iyo sida Aragtiyo cusub loogu camcaminayo, waxayna taasi dhalin kartaa inuu oggol-diidan u noqdo Liis kasta oo Xukuumadda ee la magacaabayo.

Waa Tijaabo Siyaasadeed iyo Talo Hoggaamiye in si xil-ballaarsi leh hal xil loo soo farageliyo, iyadoo lagu hagoogayo Nateexeyn Siyasadeed oo lagu lifaaqay Amar.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay miiska saaran tahay Qaab Doorashadda Saddex Xukuumadood oo lagu saleynayo Xukuumad Saami-qeybsi sal-ballaaran leh, ama haddii sifo kale loo dhigayo mid ahaan noqonaysa:

Xukuumad Beel-deeq ah,

Xukuumad Qurbo-deeq ah iyo

Xukuumad Qaran-deeq ah.

Ilo loo qaateen ah ayaa rumeysan in la dhisayo Xukuumad mabda’ ahaan isugu dhafan Qurbo-deeq la sii qabyaaladeeyey.

Waxaa rajo kooban ah in la helo Xukuumad Qaran-deeq ah, waxaana Aragtidaasi loo arkaa mid daaqada laga soo tuuray sidii  Jaallayaashii lagu awr-kacsaday Isbedel-doonka loo naafeeyey.

Dowlad-yaqaanka ayaa rumeysan in Xukuumadda Cusub aysan lahayn Asaas xooggan iyo Himilo Hufan, iyadoo Xubnaha Wasiiradda cusub badankooda la sheegay inay yihiin Layli Siyaasad-barad ah oo Hawsha Maamulka Dowladnimo ka bilaabayo Drajadd Xil Wasiirnimo.

Xaalladda ayaana u muuqata Askari aan Layli dhibownimo soo mariyo oo loo dallacsiiyey Taliye Sare iyo Madaxa Hoggaaminta Difaaca.

1

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Is-weydiin mudan: Imisa nooc ayey noqon kartaa Xukuumadda Cusub:  (Qaran-deeq, Beel-deeq ama Qurbo-deeq?).

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...