WARBIXIN: Labo Shaqsi oo ay qasab tahay Inuu Qanciyo MD Farmaajo (XILALKA LOO DHIIBI DOONO)

Waxaa aad isku soo tarayay warka sheegayo in xilal badan lagu samayn doono isbadallo sida kuwa ciiddanka iyo midka maamulka G/Banaadir kuwaasoo laf dhabar u ah fulinta siyaasadda uu wato madaxweyne Farmaajo.

Xilka guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ah kan ugu hadal haynta badan dhanka isbadalka imaan karo maalmaha soo socda. Waxaa jiro warar u muuqdo kuwo baararka iyo fadhi ku dirirada ee sheegaya in laba shaqsi ay ugu cad cad yihiin doon doonista xilka guddomiyanimo ee Gobolka kuwaasoo kala ah Thaabid Cabdi Maxamed oo ah xilligaan Qundulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Maraykanka iyo Yuusuf Jaalle oo mar soo noqoday Guddomiye xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labadaan shaqsi ayaa lagu tiriyaa dadkii safka hore kaga jiray u ololeeyntii Farmaajo ee doorashada madaxnimo ee dalka.

Dadka aadka u yaqaana labadaasi shaqsi ayaa tilmaamay in ay labaduuduba khibrad ahaan iyo aqoon ahaaan ay ku adag tahay in ay ka soo dhalaalaan xilkaasi maadaama maamulista caasimadda Muqdisho ay xilligaani u ban tahay qof ka samata bixin kara xaaladaha siyaasadeed iyo tan amni daro ay ku dhex jirto.

Yusuf Jaalle oo ah qurba joog sanadihii u danbeeyay ku sugnaa Muqdisho wuxuu xilkii uu ka hayay gobolka Shabeellaha Dhexe laga qaaday markii uu xijisan waayay kana soo bixi waayay howshii loo magacaabay.

Taabit oo isna ah shaqsi siyaasadda kusoo galay xigto hoosaadnimadii uu la lahaa Xasan Sheekh ayaa mar uu soo qabtay agaasinka xafiiska madaxtooyada, waxaana markii danbe loo magacaabya safiir kuxigeenka safiirkaa Somalia ee Mareykanka.

Taabit ayaa goobaha fadhi ku dirirada iyo maqaayadaha gashtay in xilkaan isaga loo magacaabayo, si jahawareerka siyaasadeed ee hadda ka taagan Muqdisho usii kiciyo.

Marka si sharci ah iyo awood qeybiga loo fiiriyo maamulka gobolka Banaadir waxaa iska leh beelaha Abgaal oo weliba si hoose marka loo ego beesha Galmaax Yoonis oo lagu xushmeeyo Xamar iyo Xamar Daye.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...