Xil-Wareejintii Kadib, Xasan Sheekh Iyo Qoyskiisa Maxaa Sugaya? Xagee ayay aadi doonaan, Xaquuqse ma uleeyihiin iney….

Waxaa maanta xilka iska wareejinayay madaxweynihii Xasan Sheekh Maxamud, hadaba waxaa isweydiin leh, Xasan Sheekh iyo qoyskiisa xageebay aadayaan, dowladda ma martigelin doontaa, ammaankooda mala sugayaa mise, daryeel ma leeyihiin? biilkii iyo lacagtii uu qaadan jiray ma u soconaysaa? Haddii su’aalahaasi kugu soo dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in aadan is wareerin!!

Madaxweyne Soomaaliyeed xilligan ma jiro sharci siinaya xuquuq gaar ah, waxaa uu la mid ah siyaasi shaqada ka tagay, sida wax loogu qabto waxaa ay ku xiran tahay naxariista iyo ragatinnimada uu sameeyo madaxweynaha isaga ka dambeeya!!

Hadaba, Waa Maxay Sharciga Horyaalla Baarlamaanka Oo Haddii La Ansixin Lahaa Ay Madaxda Dowladda Xuquuq Heli La Haayeen:

Waxaa Baarlamaanka yaallo mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah.

Mashruucan waxaa soo diyaariyay Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada golaha shacabka si waafaqsan qodobka 69(1)(B) ee dastuurka federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Hore Xasan Sh iyo Xaaskiisa

Sharcigan waxaa uu ka hadlayaa xuquuqda iyo deeqaha ay leeyihiin Madaxweynayaasha xilka ka fariistay, Madaxweyne xilka uga fariistay caafimaad darro, Caruurta Madaxweynaha geeriyooday isagoo xil haya, Afadiisa, xuquuqda Xildhibaanada, gudoomiyayaasha labada aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare) iyo haddii caruur iyo afo ay ka tageen.

Waxaa kaloo uu ka hadlayaa Xuquuqda Ra’aisul Wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeenadiisa, guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka, caruurtooda iyo xaasaskooda, Xildhibaanada, golaha Wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.

Tusaale ahaan, waxaa ku qoran in Madaxweynaha ka dega ama is casila uu helayo 70% gunno bileedkiisa, guri dowladeed, baabuur iyo wixii la mid ah, daryeel caafimaad, hal unug oo amingiisa suga, xogheye, waxaa kaloo laga bixinayaa qarashka biyaha, labo adeege iyo Tecket-ka dayuuradda marka shaqo rasmi ah loo diro, waxaa kaloo uu helayaa kaaliye u gaar ah.

Haddii Madaxweynaha tusaale ahaan xafiiska looga fariisiyo sababo caafimaad, waxaa uu helayaa 60% gunnadisii, guri iyo baabuur , daryeel caafimaad, gaddiidka ilaalada amniga, waxaa sidoo kale la siinayaa qarashka biyaha, korintada iyo arrimo kale halka afada Madaxweynaha iyo caruurta uu ka geeriyooda ay yeelan doonaan gunno bileed, guri, baabuur, darawal, daryeel caafimaad iyo wixii la mid ah.

Guddoomiyaha golasha shacabka waxaa uu helayaa 70% gunno bileed , guri iyo baabuur, daryeel caafimaad, xogheyn iyo qasnaji iyo labo adeege, waxaa kaloo afada guddoomiyaha ka geeriyyodo la siinayaa gunno bileed, guri, daryeel caafimaad, labo adeege, waxaa laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

Ra’isul Wasaaraha xilka ka taga waxaa uu helayaa 70% gunno bileed, guri, baabuur, daryeel caafimaad, labo sarkaal iyo kharashka biyaha iyo labo adeege.

Afada Ra’isul wasaare iyo caruurta waxaa ay helayaan gunno bileed, guri, labo adeege waxaa kaloo laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

1

Ra’isul wasaaraha geeriyooda isagoo xilka haya waxaa la siinayaa afadiisa gunno bileed, waxaa kaloo lacag dhan 70% gunnadooddii la siin doonaa gudoomiye ku xigeenadda labada gole marka ay xilka ka dagaan.

Waxaa kaloo lagu sheegay kharashka ku baxaya aaska qaran ee Madaxweynaha geeriyooday asaga oo xilka haya, Kharasha aaska guddoomiyaha golaha shacabka ama guddoomiyaha aqalka sare oo geeriyooda isagoo xilka haya iyo qarashka aaska qaran ee ra’isul wasaaraha oo geeriyooda isagoo xilka haya.

Sharciga, waxaa uu weli marayaa akhris, lamana oga xilliga la meelmarin doono, waxaa kaloo aan la ogeyn markii la meel-mariyo, Ma waxaa ka faa’ideysanaya madaxda markaasi xilka haya iyo wixii ka dambeeya mise dhammaan madaxda xilkaasi soo martay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...
DEG DEG: Golaha Wasiiracadda Cusub oo Kitaabka quraanka ku dhaartay (AKHRI DHAARTII AY MAREEN OO QORAAL AH)
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ...