XILDHIBAAN MAHAD SALAAD oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Farmaajo, Teamkii Xasan Sheekh oo durba bilaabay mucaaradnimadooda

Wasiiru dowlihii madaxtooyada Soomaaliya Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa wax badan ku qaadan inuu weerar afka ah ku qaado Madaxweynaha xilligan Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu ku sheegay nin fashilmay oo fulin weysan balan qaadyadii siyaasadeed ee uu sameeyay markii uu ku jiray ololaha doorashada

Qoraal uu Facebook soo dhigay Mahad Salaad oo maalmihii ugu dambeeyay laga soo sheegay inuu ku sugnaa Magaalada Qaahira ayaa waxaa ku bilaabay qoraalkiisa sidan

SIYAASAD AAN LAHAYN ISLA XISAABTAN IYO KOR JOOGTEYN AYAA SOOMAALIYA DHIGTAY MEESHA AY TAALO MAANTA. Bal waxyar ila milicso balan qaadyadii Madaxda Qaranka intii aan la dooran!

  1. Dad inta la isku qarxiyo inaan tacsi lasoo istaagno ma ahan ee waa inaan cadowga meeesha uu joogo dagaal kula galnaa.!
  • Waxay dhashay darsin darsin inta dadku ulle’daan inaan juuqna laga dhahin. Cadow meel uu joogo oo loogu tago iska dhaafe!
  1. Musuq Maasuqa waan la dagaaleynaa. Dowladeenana waxay noqoneysaa Dowlad ku dhisan hufnaan, isla xisaabtan iyo ilaalinta danta Dalka iyo Dadka!
  • Iyadana waxay dhashay lacagtaan hadiyad ahaan ayaa la iigu keenay! TOLOW HADIYADI MAXAY TAHAY?!.
  1. Madaxbaanina dalkeena waa muqadas mana ogolaaneyno faragelin shisheeye nuuc waliba oo ay ahaataba!
  • Iyadana maanta waxay dhashay Madaxweyne Dal kale isagoo aan Dowlada Soomaaliya la soo socodsiin inta yimaado Degmooyinka Dalka qaar kamid ah, in ololo dib u doorashadiisa la xiriira uu ku qabto. Dowladeenana aysan juuq ka dhihin!
  1. Xildhibaanadii Qaranka ee mas’uuliyadoodu ahayd KOR JOOGTEYNTA IYO LA XISAABTANKA MADAXDANA waxay mashquul ku yihiin aniga hadaan hadlo liiska Wasiirada soo socda ayaa la’iga tirayaa!
  • War calaf ayaa la cunaa ee Dalkaan iyo Dadkaan mas’uuliyada naga saaran aan gudano. Mahadsanidiin.

AFEEF: Qoraalkaan mucaaradnimo igama ahan ee waa toosin. Waana in Madaxdeena dib isku saxdaa si danta Dalka iyo Dadka loo gaaro. Mahadsanidiin.

Waxaa moodaa in team kii ku xirnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatan bilaaban inay mucaaradan Dowladda cusub ee Farmaajo.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Sandheere says:

    Waad bilowday dheh ee haka hordhicin waana ognahay waxa aad tahay iyo waxa kaa qeylisiinaayaa




War

DAAWO: Madaxweyne Jooga ka dhacay Shirka Jaamacadda Carabta ee Urdun ka socda
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha dalka Lubnaan Mecheal Cown ayaa qabsaday baraha bulshada ee carabta kadib markii uu istaaga ...
Waa Maxay Sababta loo adkeeyay amaanka Villa Soomaaliya, Maxaase ka jira in Weerar lagu yahay?
- Mar 29, 2017
Amaanka xaru nta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay , waxaana lagu ...
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la safatay RW Kheyre Sharuudna ku xirtay ka qeybgalka Doorashada Galmudug
- Mar 29, 2017
Maamulka dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inay dalbanayaan in dib loo ...
DAAWO SAWIRO: Qodobo Xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Madaxda Carabta ee Camaan
- Mar 29, 2017
Magaalada Cammaan ee wadanka Jordan  Waxaa goor dhow ka furmay Shirmadaxeedka Jaamacada Carabta oo ...
DAAWO SAWIRO: Arin aad loogu farxo oo ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
- Mar 29, 2017
Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal ...
DAAWO: Xildhibaan Xanaaq uga baxay Kulankii lagu Ansixiyay Wasiirada & Qaladaadkii ka dhacay Kulanka oo…
- Mar 29, 2017
Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada ...
RASAAS Xoogan oo laga maqlay magaaladda Baydhabo & Sababta oo ah mid lama filaan ku noqotay…
- Mar 29, 2017
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, daqiiqado kadib markii ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Nairobi loogu soo dhoweeyay Diyaaradii ugu horeysay ee ka duusha Muqdisho
- Mar 29, 2017
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku ...
Madaxweyne Farmaajo oo war deg deg ah kasoo saaray ansixinta Xukuumada
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee ...
Kusimaha Madaxweynaha Prof Jawaari oo hadal adag ka jeediyay Kulankii Ansixinta Wasiirada Cusub
- Mar 29, 2017
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ...