XOG BUUXDA: Madaxweyne Farmaajo oo go’aan ka qaadanaya in Masuulkan uu ka dhigo Ra’isul Wasaaraha dalka!!

Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa wada latashiyadii ugu danbeeyay ee soo magacaabida lawada sugayo ee ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Wararka ee Baahin.com ayaa sheegaya in ku dhawaad 40 musharax ay isku haystaan xilkaas.

Siyaasiyiinta doonaya xilka ra’isul wasaaraha ayaa lasoo sheegayaa iney ubadan yihiin siyaasiyiin ka qeyb qaatay doorashadii madaxweynaha ee dalka ka dhacday bishii hore iyo qurba joog.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in beesha Agaal ay dooneyso in xilkaas loo magacaabo ganacsadaha Dr Culusow kaas oo kamid ahaa musharaxiintii garabtaagneyd Madaxweyne Farmaajo markii uu guuleysanayay.

Siyaasigan ayaa madaxweynaha ugudbiyay qoraal uu ku dalbanayo xilka Ra’isul Wasaaraha dalka, oo sidoo kale lagu lifaaqay taariikhdiisa.

Yaa kamid ah Siyaasiyiinta kale ee Sharaxan?

Ragga kale ee baadi goobaya xilka ra’isul wasaaraha waxaa kamid ah Axmed Macalin Fiqi, Cabdi Raxmaan Baadiyow, Jibriil Cabdulle, C/Raxmaan Cabdi Shakuur iyo rag kale.

Hadaba Waa kuma Dr. Maxamud Culusow?

Waxaa uu ku dhashay magaalada Baladweyn Xarunta Gobolka Hiiraan Sanadku markuu ahaa 1948-dii.

Waxbarasho: Dugsiga Hoose, Dugsiga Dhexe ee Ganacsiga, Dugsiga Sare ee Machadka Xisaabaadka Talyaaniga 1971 (darajada koowaad), Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1975 (Darajada kowaad iyo sharaf), Machadka Cilmiga Bulshada ee Hague, Holland, 1984 iyo Machadka Hay’adda Sanduuqa Lacagta Addunka, 1986 iyo Shahaadoyin kale.

Shaqo: Waayo-aragnimo hoggaamin iyo Maamul, Wuxuu ku biiray shaqada Dowladda Soomaaliya 1971.

Dr. Culusow, Waxaa uu Sidoo Kale Noqdey: Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

LA OGAADAY: Madaxweyne hore Xasan Sh & Faarax C/Qaadir oo Muqdisho ka bixi doona & Dalka ay usocdaan oo…
- Feb 28, 2017
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan looga guuleystay Xilka Madaxweynaha ayaa ...
SAWIRO: Madaxweynaha P/Land oo Maanta Arin hormar leh ka sameeyay Boosaaso
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay Keydka Haamaha Shidaalka ...
Xog: Sidee ayay Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari ugu heshiiyeen dhismaha Golaha Wasiirada?
- Feb 28, 2017
Kulamo saacadihii ugu danbeeyay Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul ...
XOG: Shaqsi Xil Weyn Ka Qabtay Somaliland Oo Raadinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
- Feb 28, 2017
Warar ay si hoose u heshay Baahin.com ayaa sheegaaya in mid kamid ah wasiiraddii ...
Xog:-Maxaa Ka Jira in Laga Deyrinaao Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo+War aan Fiiiceen oo Somali-land….
- Feb 28, 2017
Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadal heynta ku aadan in Xanuun uu ...
War Deg Deg:-Ciidamada Amaanka oo Goordhaweyd Qabtay Ninkii Dilay Ex Xildhibaan Cabdiqaadir Qaasim+Sawirro
- Feb 28, 2017
Maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta gudaha degmadaas soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay ...
War Deg Deg:-Maxkamadeynta 118-Dhalinyaro Soomaliyeed oo Goordhaweyd Ka Bilaabanaysa…..
- Feb 28, 2017
Saacadaha Soo Socda maxkamadda magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dhageysan doonta Dacwado loo ...
DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyihiisa Arrimaha Bulshada [Wareegto]
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xil  cusub oo ka mid noqoneysa la-taliyeyaasha madaxweynaha. Xilkan ...
XOG & SAWIRO: C/Raxmaan Odawaa & Mahad Salad oo Wasiiro noqonaya, Faarax C/Qaadir oo lagu dhagay iyo qorshaha Damu-jadiid ee dowlada…
- Feb 28, 2017
Warar lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah madaxdii ...
War Deg Deg:-Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo Dib u Helay Xuriyadiisa+warar sheegaya
- Feb 28, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ayaa ku waramaya in Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo ...