XOG MUHIIM AH: Kooxdii Madaxweynihii Hore ee Xasan Sheekh oo Safar wada ah

Wax yar kadib Markii uu xilka wareejiyay Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soo baxay Warar sheegaya in Kooxdii Madaxweynihii Hore ee ay bilaabeen qalab qaadasho iyagoona isku diyaariyaya Safaro dibada ah.

Kooxda Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhamaan faaruqiyey Aqalka Madaxtooyada oo uu maanta si rasmi ah ola wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah Masuuliyiintii La soo shaqeysay Madaxweynihii Hore xilka laga qaadayo kuwaas oo ay ka mid yihiin Hogaanadii qeybaha ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiisha la hadal hayo in xilalka laga qaadayo waxaa kamid ah Agaasimihii Madaxtooyada, Kuxigeenkiisii, Madaxii Amniga, Madaxii Hab-Maamuuska iyo Madax kale oo caan ah kuwaas oo hadda isku diyaarinaya in ay xilka wareejiyaa.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu safar ugu ambabaxo dalalka Turkiga ama Tanzania Midkood si halkaas uu u dego.

Madaxii ugu sarreeyey Xafiiska Madaxtooyadda ayaa isna sida la sheegay ku wajahan Maraykanka halka Madixii Hab-maamuuska ee Xasan Sheekh isagana la sheegay inuu dib u degi doono Mid ka mid ah wadamada Europe.

Madixii Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa Wakaalada Warqaad.com waxaa loo xaqiijiyay in uu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika halkaas oo uu degi doono.

Saraakiishii Dhanka Amaanka iyo Ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia ayaa iyagu joogi doona dalka balse waxaa la xaqiijiyay in lagu sameyn doono xilka qaadis iyo in laga wareejiyo Meelaha ay hadda ku magacaaban yihiin


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




War

LA OGAADAY: Madaxweyne hore Xasan Sh & Faarax C/Qaadir oo Muqdisho ka bixi doona & Dalka ay usocdaan oo…
- Feb 28, 2017
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan looga guuleystay Xilka Madaxweynaha ayaa ...
SAWIRO: Madaxweynaha P/Land oo Maanta Arin hormar leh ka sameeyay Boosaaso
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay Keydka Haamaha Shidaalka ...
Xog: Sidee ayay Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari ugu heshiiyeen dhismaha Golaha Wasiirada?
- Feb 28, 2017
Kulamo saacadihii ugu danbeeyay Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul ...
XOG: Shaqsi Xil Weyn Ka Qabtay Somaliland Oo Raadinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
- Feb 28, 2017
Warar ay si hoose u heshay Baahin.com ayaa sheegaaya in mid kamid ah wasiiraddii ...
Xog:-Maxaa Ka Jira in Laga Deyrinaao Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo+War aan Fiiiceen oo Somali-land….
- Feb 28, 2017
Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadal heynta ku aadan in Xanuun uu ...
War Deg Deg:-Ciidamada Amaanka oo Goordhaweyd Qabtay Ninkii Dilay Ex Xildhibaan Cabdiqaadir Qaasim+Sawirro
- Feb 28, 2017
Maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta gudaha degmadaas soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay ...
War Deg Deg:-Maxkamadeynta 118-Dhalinyaro Soomaliyeed oo Goordhaweyd Ka Bilaabanaysa…..
- Feb 28, 2017
Saacadaha Soo Socda maxkamadda magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dhageysan doonta Dacwado loo ...
DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyihiisa Arrimaha Bulshada [Wareegto]
- Feb 28, 2017
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xil  cusub oo ka mid noqoneysa la-taliyeyaasha madaxweynaha. Xilkan ...
XOG & SAWIRO: C/Raxmaan Odawaa & Mahad Salad oo Wasiiro noqonaya, Faarax C/Qaadir oo lagu dhagay iyo qorshaha Damu-jadiid ee dowlada…
- Feb 28, 2017
Warar lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah madaxdii ...
War Deg Deg:-Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo Dib u Helay Xuriyadiisa+warar sheegaya
- Feb 28, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ayaa ku waramaya in Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  oo ...